Mourinho; Messi ayaa iga dhigay macalin weyn. Sidee ayay ku dhacday??

0
452

Macalinkii hore ee kooxaha FC Porto, Chelsea, Inter Milan, Real Madrid iyo Manchester United haatana falanqeeye ka ah Sky Sports ayaa ka sheekeeyay sida uu Messi uga dhigay macalin weyn oo heer sare ah.

Mourinho oo horay Real Madrid usoo tababaray mudadii u dhaxeysay 2010kii ilaa 2013dii sidoo kalana Messi kulamo badan oo El Calasico ah wajahay mudadaas ayaa yiri; “ Messi ayaa iga dhigay tababare fiican waxaana aaminsanahay in dabeecadiisa ay ka awood badisay rabitaankiisa insaaneed, marka aniga waxbadan ayuu ii qabtay”.

Jose oo arinkaas sharaxayo ayaa yiri; “ laacibiintii aan soo tababarin waxay igu furi jireen mashaakil fara badan, Messi waligiis kooxdeyda uma ciyaarin balse wuxuu ahaa mid markasta iga horyimaado, sidaas owgeed waxaan ku qasbanahaa inaan markasta la imaado afkaar iyo qorshe aan asiga ku celinaayo halistiisana kaga hor tagaayo kooxdeydana ku nadaamiyo”.

Jose Mourinho ayaa hadalkiisa kusoo qatimay; “Arinka Messi kaliya kuma xirna sidoo kalana laacibiinta kale ee waaweyn kuwaasoo aan wajahay qeyb ayay ka yihiin”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here