Hilmaan ama iloowid (Forgetting) wuxuu dhacaa natiijo ka dhalata qarsoomida iyo bixida xusuusaha maskaxda ku jiraan waxayna sababaan labo arimood oo kala ah;

In la iloobo macluumaadka xusuusta ku keydsan kuwaasoo fogaantooda ay dhawdahay (Short Term Memory) ama wuxuu dhalaa in qofka awoodi waayo inuu dib usoo ceshto xusuusaha ku keydsan nadaamka maskaxdiisa waana arin caado ahaan dhacdo markuu qofka iloobi rabo xusuusaha waqtiga fog (Long Term Memory).

Hadaba sidee uga hortagi kartaa kuna daaweyn kartaa labadaan arimood??

Marka hore waxaan ka hadli doonaa qaabka aad ku daaweyn kartid hadii ay kugu dhacdo kadibna waxaan ka hadli doonaa qaabka looga hortagi karo.

Xusuusta oo kaa lunto wadooyinkaan ayaad u mari kartaa si aad usoo ceshato;

1-Kaluunka dufanka leh;

Gaar ahaan noocyada kaluunka ee hodanka ku ah aashitada dufanka nooca loo yaqaabo Omega 3 (Omega 3 Fatty Acids) wuxuuna aad ugu muhiim u yahay howlaha maskaxda.

Hadii aad weyso nooc kaluun misna aanan laheyn Omega 3 waxaad adeegsan kartaa noocyada kale ee cuntada kuwaasoo maadadaan hodanka ku ah.

2-Saliida qumbaha;

Saliida qumbaha (Coconut Oil) waxaa ka buuxaan maadooyin xoojiya maskaxda misna dib usoo celiyo xusuusaha waxayna isticmaalkeeda kaa caawineysaa inaad xusuusta maskaxdaada ka baxdo dib u hesho.

3-Ukunta.

Ukunta waxaa laga helaa maado lagu magacaabo Choline, waxayna maadadaas caawisaa xididada qaada dareenka neerfaha maskaxda ee loo yaqaano (Acetylcholine) sidaad darteed nadaamkaaga cuntada in laga helo maadada Choline waxay u roontahay xusuustaada.

Balse waa muhiim inaadan iska badinin oo aad si dhex dhexaad u isticmaashaa maadaama sidoo kale laga helo maadaada Cholesterolka.

4-Vitamin B Complex;

Isku dhiska fitimiin B waa muhiim wuxuuna siweyn u caawiyaa maskaxda gaar ahaan xusuusta qofka ayay dib usoo celisaa waxaana Vitamin B Complex laga helaa noocyaa qaar ee cuntada balse wuxuu siweyn uga buuxaa Muuska iyo digirta.

5-Sanjabiisha;

Sanjabiisha (Ginger) waxaa la ogaaday iney xusuusta qofka siweyn u caawiso gaar ahaan dumarka ayay siweyn ugu roontahay maadaama dumarka dhanka xusuusaha fog fog ku dhib qabaan waa muhiim iney Zanjabiisha cunisteeda badsadaan.

La soco qeybta 2aad oo aan uga hadli doono qaabka looga hortago xusuus beelka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here