Hilmaan ama iloowid (Forgetting) wuxuu dhacaa natiijo ka dhalata qarsoomida iyo bixida xusuusaha maskaxda ku jiraan waxayna sababaan labo arimood oo kala ah;

In la iloobo macluumaadka xusuusta ku keydsan kuwaasoo fogaantooda ay dhawdahay (Short Term Memory) ama wuxuu dhalaa in qofka awoodi waayo inuu dib usoo ceshto xusuusaha ku keydsan nadaamka maskaxdiisa waana arin caado ahaan dhacdo markuu qofka iloobi rabo xusuusaha waqtiga fog (Long Term Memory).

Hadaba sidee uga hortagi kartaa kuna daaweyn kartaa labadaan arimood??

Mowduucii hore waxaan uga soo hadalnay sida lagu daaweeyo qeybtaana kaga bogo sida looga hortago;

1-Inaad ilaaliso nadaamkaaga maskaxda;

Waxay kaa caawineysaa ilaalinta nadaamka maskaxda inaad xusuusnaato xusuusahaaga muhiimka ah tusaale in xusuusta aad rabtid inaadan iloobin aad ka sheekeyso hadii ay dhacdo tahay ama aad sameysid hadii ay farsamo tahay ugu yaraan sanadkii hal jeer.

2-inaad bulshada dhex gasho;

Hadii aad noqotid qof aan reer bulsho aheyn misna kaligiis isla sheekeysto isla sheekeysigaas wuxuu bilaabaa in maskaxdaada is cunto xusuuso badana ka baxaan sidaas owgeed inaad bulshada dhex gashid misna cidlada ka baxdid waa muhiim.

3-Inaad noqoto qof nadaamsan.

Hadii aad tahay qof kala daadsan misna aanan wax jadwal nolosha uga dagsaneen waa dhibaato maadaama maskaxda qofka jadwalka leh ay nadaamsantahay misna jadwalkaas ku socoto balse hadii bilaa jadwal tahay iyo nadaam la’aan isku dhex yaacaas maskaxdana saameyn ayuu ku yeeshaa taasoona aakhirkii sababi karto xusuus la’aan.

4-Hurdo nadaamsan;

In qofka qaab nadaamsan u hurdo wax weyn ayay u tartaa waliba xusuusta kaliya kama caawiso waxyaabo kalana wey jiraan.

24 saac kasta oo aad seexataa ugu yaraan 7 ilaa 9 saacadood waxay kaa caawisaa in xusuustaada nadiif ahaato waayo hurdada waxay kuusoo celineysaa xusuus kasta oo maskaxdaada ka baxo.

5-Jimicsiga joogtada ah.

Waa laga yaabaa inaad maqasho jirka nadiifka ayuu caqliga saliimka ku jiraa ogow kaliya maahmaah ma ahan waa arin waaqici ah in jimicsiga uu maskaxdaada siweyn u caawinaayo oo kaliya jirkaaga ma caawinaayo.

Waxyaabaha uu maskaxda ka caawiyo waxaa kamid ah in xusuusaha kuu keydiyo sahalna aadan waxba ku iloobin inta aad jimicsiga wado.

6-Inaad xakameyso xaaladahaaga caafimaad;

Markii xaalad kula soo daristo waa muhiim inaad xakameysaa misna dhakhtar la tashataa waayo cuduro murug laga qaado ayaa jiraan sida Depression, Diabetes iyo Thyroid Diseases dhamaan cuduradaas murugta ayaa keento waxayna sababaan xusuus beel sidaas owgeed waa muhiim inaad dhakhtar la kaashataa xaaladahaan oo kale markii aad wajahdid.

7-Inaad lahaato buug xusuus qor ah misna xusuusahaaga si joogto u qortid ayadana waxay kaa caawineysaa inaad sifiican u xusuusnaato dhacdooyinka muhiimka ee noloshaada waayo qorista aad qoreysid xusuustaada ayay maskaxdaada ku xifdineysaa.

Dhamaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here