Mr. Perfectionist Aamir Khan hadal heyn aan wanaagsaneyn ayaa laga soo daabacayaa madaama wiilkii uu dafiray hada ka hor inuu aabo u yahay maanta Model noqday sidoo kalena magaciisa banaanka usoo baxay.

Aamir Khan wiilka uu diiday inuu aabonimo siiyo laguna magacaabo Jaan ayaa haatan 12-jir ah wuxuuna noqday Model ama qof Fashion-ka sameeyo oo gudaha UK magac ku yeelanayo.

Jessica Hines oo ah hooyada Jaan dhashay ayaa ku faraxsan wiilkeeda aqoonsiga ayuu helaayo xili 12-sano ka hor Aamir Khan u sheegay Jessica Hines inay iska soo rido uurka ay u leedahay.

Jessica Hines waa haweenay Ingiriis ah sidoo kalena xirfadeeda qoraa tahay waxaana lagu yaqaan inay qortay buug Amitabh Bachchan taariikh nololeedkiisa looga hadlaayay bilawgii qarnigaan.

Jessica Hines ayaa sheegtay inay Aamir Khan baratay xili ay socotay duubista filimkiisii Ghulam kadibna sanado badan xiriir wada noolaansho ka dhaxeeyay.

Sanadii 2005 ayay Jessica Hines u bandhigtay Aamir inay uur u leedahay isagana wuxuu ka dalbaday inay cuniga iska soo rido!

Balse Jessica Hines wey ku gacan seertay waxayna sirtaan la wadaagtay wargeysyada Hindiya ugu caansan kadibna UK ayay dib ugu laabatay.

Haatan Jessica Hines wiilkeeda Jaan waa 12-jir welina Aamir Khan ma uusan qiranin inuu aabo u yahay lamana ogo xiliga uu aqbali doono qoyskaan uu dafiray 12-sano ka sano ka hor!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here