Home » Nolosha Jilaayaasha » Mr.Prefectionist Aamir Khan Oo Shaaca Ka Qaaday Heesaha Jaceylka Mida Uu Ugu Jecelyahay (+Video)

Mr.Prefectionist Aamir Khan Oo Shaaca Ka Qaaday Heesaha Jaceylka Mida Uu Ugu Jecelyahay (+Video)

Mr.Prefectionist Aamir Khan ayaa kamid ahaa maanta xidigaha Bollywoodka ee u dabaal dagaayen munaasadaba maalinta jaceylka aduunka.

Xidigaan dabaal dagiisa waxay ku xeendaabneyd uun dhageysiga hees kamid ah heesaha uu ugu jecelyahay Bollywoodka waxaana xusid mudan heeskas inee kujirto filmki guusha wacan gaaray ee Jo Jeeta Wohi Sikandar ee sanadkii 1992 uu jilay.

Heeskaas waxaa la dhahaa “Pehla Nasha” waxaana heeska wada qaadayaan Aamir Khan iyo Ayesha Jhulka, Aamir ayaba maanta ku cadeyay baraha bulshada waxuuna qoraal ahaan u soo dhigay,”haye asaxaabta munaasabada maalinta jaceylka aduunka aawged ila dhageysta mid kamid ah heesaha aan xiiseyo waana heeskeygii Pehla Nasha dhageysi wacan.”

Heeskan waxaa lagu tiriyaa mid kamid ah heesaha jaceylka ee taariikh ahaan ugu wanaagsan Bollywoodka, hadii aad u baahantahay halkaan hoose ka daawo heeska oo muuqal ah.”

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *