Mudo 23 Sano Kadib Waxaa Dib U Midoowi Doonan Atirishooyinka Madhuri Dixit Iyo Renuka Shahane Iyo Sababta!!

Yaa ilaawi kara filmkii caanka ahaa ee ay wada sameyeen Madhuri Dixit Iyo Renuka Shahane kaaso ahaa Hum Aapke Hai Koun.

Waa filmkii ugu horeyay uguna dambeyay ee ay wada sameyaan Madhuri Dixit iyo Renuka Shahane waxaana kasoo waregatay mudo 23 sano ah inee shaashada kasoo wada muuqdaan.

Hadaba waxaa lashegay in atirishooyinka dib u midoowi doonana ayagoo kasoo muuqan doonan film Marathi ah kaaso ah filmkii ugu horeyay ee Marathi ay sameyso Madhuri abid.

Filmkaan waxaa Director ka ah Tejas Vijay Deoskar goordhowna duubistiisa ayaa bilaawan doonto qorshahana waa in la daawado sanadka dambe waxaana hogaamiyaal ka noqon doonana labadan atiriisho.