Mudo 25 Sano Ayee Bollywoodka Ku Qaadatay Inee 48 Big Blockbusters Sameeyan

Bollywoodka sanad walba kudhowaad 200 Film ayee sameyaan mararka qaar sare ayee u dhaafaan hadana filmada Big Hits noqdaan aadbe u yaryihiin ayagoo ay ka wada shaqeyaan Super Stars awood balaaran kuleh fanka.

90-kii iyo bilawgii qarnigaan Bollywoodka xili barwaaqo ah ayee ku jireen oo ay sameeyn jireen aflaam tayo wanaagsan heer sare ah daawadayaashana tiyaatarada keenan balse sanadadan dambe Super Star-dii wey caajiseen shaqadii adkeedna wey ka seexdeen in badanoo kamid ah halka Film sameyaashi tayada wanaagsanaayen qaarna geeriyooden qaarkalena shaqada ka fariisteen halka kuwa kalena nidaamkoodi hore wax ka bedeleen.

intaas iyo siyaabo kale waxay kaliftay in aflaamta hindiga nuxur beelan sanad walbana la arko 100 film kabadan oo guuldareestaan taasina waaxaa ugu wacan in sheeko wanaagsan aysan la imaanenin iyo jiliin waanaagsan midna.

Hadaba Three Khans ayuu fanka hindiya ku taaganyahay 25-kii sano lasoo dhaafay ayagoo mid walba dhankiisa ka dadaalay sido kalena la yimaaden aflaam dhaxal gal ah oo taariikhda baal dahabi ah ka galeen mudnaan weyn iyo qadarin ayee ku leeyihiin fanka hindiya xidigaha kala ah Shah Rukh Khan, Salman Khan iyo Aamir Khan.

Markii aan dhex dabaalnaya Box-office-ka waxaan soo ogaanay in 25 sano aan soo dhaafnay guud ahaan Bollywoodka sameeyeen ilaa 48 film kuwaaso Big Blockbusters noqdeen waliba 12 film kamid ah waxay noqdeen All Time Blockbuster waana tiro aad u yar marka loo fiiryo mudo 25 sano ah in ay tiradaas yar sameyeen balse intaasba waxaa laga helay sedexda Khans iyo Super Star kale oo ayagan wacdaro dhigeen.

Aamir Khan 12 film ee All Time Blockbsters-ka noqdeen waxuu ku leeyahay 5 film kamid ah waana mudnaan gaaar ah oo uu jilaagan leeyahay maadaama uu dadaal badan sameyay inkastoo filmadiisa yaraayen uu sanadaha la imaan jiray sido kale Salman iyo SRK 25-kii sano lasoo dhaafay mid walba 2 film oo All Time noqdeen ayee sameyeen halka Sunny Deol asna 2 film la yimid ugu dambeyn filmka 12-aad ee All TIme noqday waa Baahubali 2 oo koonfur laga leeyahay balse hindi ahaan loo dawday keeydka Box-office-kana ku jira.

Sida guud waa 48 film oo Blockbusters noqdeen kuwaaso keeydka Box-office-ka ku diiwaan gashan mudo 25 sano ah ayeena ku sameyeen Bollywoodka tiradaas yar akhriste fikir ahaantada maxay kula tahay.

F.G: sanadkan 2018 wali ma dhamaanin bartamaha ayaana kaga jirnaa marka uu dhamaado ayaa la xisaabin karaa inta Blockbuster la sameyay balse qeybtii hore sanadkaan Bollywoodka ilaa 4 Blockbuster ayee sameyeen qayaas ahaan kuwaaso kala ah Padmaavat, Baaghi 2, Sonu Ke Titu Ki Sweety iyo Raazi oo la filaayo inuu noqdo Blockbuster…

1 Comment

Comments are closed.