Jilaaga caanka ah Rajpal Yadav ee lagu yaqaano shactirada ayaa la xiray November 2018 kadib markuu iska bixin waayey lacag amaah/deen uu qaatay sanadkii 2010 si shirkadiisa ugu maalgaliso Filim uu soo saare ka ahaa lacagtaas ayaa dhameed 5 Crore.

Xidigaan Filimkuu maalgaliyay wuu ku qasaaray wuuna awoodi waayey inuu iska bixiyo deentii lagu lahaa mudo 7 sano ilaa 8 sano ayeena soo jiitameysay sheekadan ugu dambeyn waa la xiray mudo 3 bilood ayuu xirnaa waxaana lasoo daayey Febraayo 2019 kadib markii la damiintay.

Xidigaan shactirada shaashada dadka kaga yaabiyay ayaa gudo galay hader inuj shaqeesto shaashadana kasoo muuqdo waxuuna duubis ku bilaaway Filimka Coolie No.1 oo uu door shactiro badan ku leeyahay waxaana hogaamiye ka ah Filimkaan Varun Dhawan halka Sara Ali Khan atiriisho ka tahay.

Dhanka kale waxuu saxiixday Sooraj Pancholi Filimkuu atooraha ka yahay ee Time To Dance waxaa muuqata Rajpal inuu dhibkii lacag la’aanta heesatay hader ka baxay deeymihi iyo wax walbana wuu isla furdaamiyay isagoo ka hadlaayo xaalada maanta iyo tii shalay waxuu yri,”maanta dunida dadka dhan lacag ayee ku waashteen halka shalay lacag kaliya ma ahe waxyaabo kale la raadin jiray sida sharaf maqaam iyo wax lamid ah laakiin maanta lacag darteed walaalka xitaa waa udilee.”

Isagoo Bollywoodka ka hadlaayo waxuu yiri,,” shaqada Bollywoodka maanta wey fududaatay habka filimada loo sameeyo xitaa waa la fududeeyay xiligii hore si dhib badan ayaan ku sameeyn jirnay anaga run ahaantii jiilka maanta nasiib ayee leeyihiin duni casri ah iyo aalado casri ah ayee kusoo aadeen qaab jiliinkooda haduu hooseeyo xitaa qalabka iyo howsha fudud ayaa wax walbo u dabirayaan waana xiligii ugi fiicned shirkadaan in laga faaidestana mudan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here