Beren Saat oo Soomaalida qaarkood u yaqaanan samar waa atiriisho kasoo jeeda turkiga sido kalena kamid ah kuwa maanta ugu caansan uguna maqaam sareyaan waxayna fanka turkiga soo gashay bilawgii qarnigaan.

Waa 35 jir heysata diinta islaamka kuna dhalatay Istanbul ilaa hadana wey dagantahay oo wey kusoo bar baartay xidigtaan maqaamka sare fanka ka gaartay sanadkii 2014 ayaa la guursaday.

Wareysi ay bixisay sanadkii hore 2018 waxay ku sheegtay inee fanka turkiga kala kulantay falal saqajaanimo ah intii ay ku guda jirtay howlaheeda duubista iyadoo majaaladaha waaweyn ee reer France arinkaan la wadaageysa waxay tiri.

“Mid kamid ah shirkadaha ugu caansan ee filimada turkiga anigoo la shaqeynaayo maalin maalmaha kamid ah waxaa dhacday in qarash gareeyaha musalsalka igu xad gudbay marka hore atooraha ayuu ahaa oo hadal qaab daran igu dhahay.”

“Muuqaal ayaa wada duubeynay atooraha jirkeyga qeybaha gaarka ah ayuu si kutalo gal ah dadka hortooda ugu taabtay qarash gareeyahana isagoo howshiisa jiliin ahen ayuu dhexda naga soo galay waxuuna bilaaway inju jirkeyga taabto waana arin aan la yaabay waligey markii iigu horeysay iiguna dambeysay aan shirkadan kala kulmay.”

“Ma doonaayo inaan magacyadooda halkaan ka shaaciyo balse suaashada unbaan kaaga jawaabayey” atiriishadan waxuu suxufiga weydiiyay in ay jirto xili gobood fal ama anshax xumo kala kulantay fanka turkiga inuu jiro sidaas ayeena u sharaxday.

Beren oo Samar loo yaqaan musalsalo dhowr ah ayee sameeysay maantana waa mid kamid ah 5 atiriisho ugu maqaamka sareyaan fanka turkiga musalsalkeeda ugu caansana waa Aski-I Memnu.

Intii ay duubaysay musalsalka Aski-i Memnu ( Forbidden Love) ayaa lagu xantay atooraha musalsalkaas Kivanc Tatlitug ( Muhannad) waxaana u sabab ahed iskusoo dhowaan shahooda musalsalkaas aawged balse wax kama jiraannayee noqotay sheekadaas markii dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here