Ishq Mein Marjaavan waa mid kamid ah taxanayaasha loogu jecel yahay waqtigaan ee hindiya laga leeyahay waxaana laga sameeyay qeeb labaad ama Season2 oo hader meel xiso leh maraayo.

Balse kooxda Filimka waxay ku qasbanaadeen in la joojiyo taxanaha sabab la xariirta goobta shaqada oo Coronavirus ku faafay kooxdana waxay go’aansadeen in lakala diro shaqaalaha.

Atooraha musalsalka hogaaminaayo Rahul Sudhir ee doorka Fanish ku jilaayo taxanaha ayaa laga helay caabuqa guriga ayuu hader karantiil ku yahay isagoo ka fogaaday qoyskiisa.

 Sido kale atiriishada Ridhima ee magaceeda yahay Helly Shah ayaa iyadana iska baartay caabuqa nasiib wanaag waa laga waayey oo Negative ayee noqotay waxayna ka hadashay muuqaalka xalqada ay boorsada dhex galeyso biyahana ku dhex dhaceyso iyadoo boorsada ku jirto.

Waxuu ahaa muuqaal halis badan maadama gabadhan boorso dhex gashay sidee kudhex gashay ayaa lala yaabay oo hadal heyn baraha bulshada dhalisay sido kale waxay sheegtay in 45 daqiiqo ay boorsada kudhex jirtay inta muuqaalkaas duubistiisa socotay oo hadba mar intuu halaawo dib loo duubaayey muuqaalka.

Waxaa la filaa in goordhow dib loo bilaawi doono taxanaha waa hadii kooxda caafimaaadan inta uu kudhacay caabuqa sida atooraha Fanish sido kalena la ogaado in la xakameyn karo Corona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here