Waxaa la ogaaday mushaarkii rasmiga ahaa ee Superstar Hrithik Roshan ku qaatay Filimka WAR ee la daawaday sanadkii hore 2019 waxuuna ahaa mashruuc dagaal ah oo ay ku xifaaltameen Hrithik iyo Tiger Shroff.

Sida shabakada Filimfare qoreyso HR waxuu WAR ku qaatay lacago dhan 48 Crore ($6.4M) waana lacago badan maadama Hrithik sanadkaas soo noqonaayey oo wixii 2019 ka horeeyay hoos udhac weyn ayaa qabsaday xidigaan dhanwalba.

Hrithik suuqiisa mushaaraadka hader sare ayuu u kacayaa waxaana macquul ah in 50 Crore kabadan ku dalbado halkii Filim ee uu sameeynaayo aan wada sugno filimkiisa xiga iyo marka la ogaado mushaarka uu ku qaato.

HR sanadkii 2019 waxuu la yimid labo filim oo kala ah Super30 oo Hit dhameestiran u noqday iyo WAR oo Blockbuster u noqday waliba WAR waa filimka lacagaha ugu badan sanadkaas oo xareeyay dhamaan aflaamta Bollywoodka.

Dhanka shaqada xidigaan waxuu ku mashquulsan yahay oo uu sugayaa inta duubistiisa laga bilaawayo filimkiisa Krrish 4 sido kale waxaa la sheegay kahor inta uusan ka howlgalin filimkaas inuu bilaawi doono mashruuc kale oo aan xogtiisa la heynin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here