Home » Nolosha Jilaayaasha » Muuqaalka Atooraha Indra Kumar Ee Lagu Sheegay Muuqaalki U Duubay Marki Uu Is Dilaayey Ma Runbaa Mise Waa Been Xaaskisa Kala Cadeyneysa Arinka!!

Muuqaalka Atooraha Indra Kumar Ee Lagu Sheegay Muuqaalki U Duubay Marki Uu Is Dilaayey Ma Runbaa Mise Waa Been Xaaskisa Kala Cadeyneysa Arinka!!

Indra Kumar waxuu kamid yahay atoorayasha Bollywoodka 90-kii iyo bilawgi qarnigan isagoo kasoo muuqday aflaam badan oo caan ah balse markii dambe saaxada Bollywodoka ka baxay.

Indra Kumar sanadkii hore aya la sheegay inuu wadno xanuun u dhintay balselabo maalin kahor waxaa Internet-ka lagu faafiyay muuqaal lagu sheegay in Indra Kuma riska duubay kahor inta uusan geeriyon sido kalena uu muuqaalka ku sheegay inuu nolol ahaan bur bur ku timid kuna fashilmay dhan walbo sidaa awgedna uu is dilaayo.

Hadaba xaaska jilaagan uu ka geeriyoday ee lagu magacaabo Palllavi Saraf ayaa arinkaan wax kama jiraan ku tilmaamtay ayadoo sheegtay in aysan sidaa waxba u jirin.

Waxay tiri iyadoo hadleysa,”ma ahan muuqaal rasmi ah muuqaalka aad aragteen waa muuqaal kamid ah film uu duubaye waliba waa muuqaalka filmkiisa aan wali la daawanin ee Phatti Padi Hai Yaar.”

“Filmkaan waxuu duubay mudo sanad iyo bar kahor waana murugo hor leh in dadka u maleyaan muuqaal dhab ah sido kale filmkaan waan daawaday aniga waxaana goob joog ahaa markii uu Indra duubayey muuqaalkasna waa muuqaal uu ku jilaayo inuu is dal dalaayo ama is dilaayo ayadoo aan Director-ka filmka ka codsaday inuu saxaafada wax walbo u cadeyo.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *