Tan iyo shalay waxaan idiin la wadaageynay sawiro goobtii ay ka dhacday tacsida Rishi Kapoor iyo qaabkii qoyskiisa u guteen wixii waajibaad saarnaa dhanka dhaqanka Hinduga balse hader waxaan soo helnay muuqaalkii ugu horeeyay ee laga soo bandhigay qaabkee wax udhaceen.

Rishi waxaa loo soo galbiyay goobta lagu gubo meeydka hinduga waxaana tacsida ka qeyb galeen xaaskiisa Neetu, wiilkiisa Ranbir, Kareena, Saif, Alia, Abhishek iyo dadkale waxaana goobta joogeen dsd cayiman.

Markii goobta la keenay Rishi waxaa 7-wareeg ku dulsameeyay Ranbir oo wiilkiisa ah sida dhaqanka hinduga ah qofka inta aan la gubin ayaa qofka ehelkiisa ah ku dul wareegta 7-jeer asigoo wato weel ay biyo kujiraan.

Muuqaalka ayaana sidaa ku arkeysaa dabcan aflaamta hindiga xitaa waad ku aragtay waana dhaqankooda rasmiga ah kadib markuu Ranbir sidaa sameeyay meeydka Rishi waxaa loo qaaday goobtii lagu gubaayey oo xili hore la diyaariyay waana la gubay ugu dambeyn.

Muuqaalka qeybta dambe laguma tusaayo marka Rishi dabka ka qabadsiinaayo balse inta kahoreysa oodhan wixii dhacaayo waad ku arkeysa hoos ka daawo:

4 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here