Superstar Akshay Kumar ayaa lagu wadaa inuu magaalada London ee xarun u ah dalka Ingiriiska u safro marka ay xaalada caadi kusoo laabato sida laga soo xigtay xafiiskiisa arimaha aflaanta iyo xiriirka dhanka saxaafada.

Kumar wuxuu London u aadi doonaa howl shaqo waxaana halkaas ka bilaaban doono jadwalka ugu horeeyo duubista filimkiisa Bell Bottom ayadoo haatan soo saarayaasha mashruucan fasax ogolaansho heleen inay London filimkooda ku duubi karaan laga bilaabo bisha July ayadoo shuruucyo badan la ilaalin doono.

Filimka Bell Bottom waxaa Director ka ah Ranjit Tiwari oo horey Akshay ugu sameyay filimkii Airlift ee 2016 Super Hit-ka noqday halka Nikhil Advani iyo Vashu Bhagnani soo saarayaasha ka mid yihiin waana mashruuc arimaha sirdoonka Hindiya 80-maadkii sida uu ahaan jiray ka hadlaayo sidoo kalena miisaaniyad culus xambaarsan lana daawan doono 2 April 2021.

Akshay Kumar waqti badan ma heesto waana atooraha saameynta ugu badan Coronavirus-ka ku yeeshay madaama ku dhawaad 6-filim oo uu hogaamiye ka yahay qaarkood baaqdeen halka qaar kalena shaqadoodii meel dhexe mareesay hakad ku imaadeen balse haatan diyaar garrow ayay ku jiraan isaga iyo kooxdiisa si shaqooyinka u yaalo u dhameestiro kuna soo laabto hanaankii lagu yaqiinay inuu sanad walbo 4-filim la imaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here