Muxuu CM Punk ugu jawaabay Seth Rollins kasoo doonayay in riingaha uu lasoo fuulo isna feeraan?

0
555

Waxaan maalintii shalay aheyd idinla wadaagnay in feeryahana musaaracada ee Seth Rollins uu doonayo in riingaha uu la fuulo feeryahankii hore ee CM Punk kaasoo mudo sanado ah ka maqnaa WWE.

CM Punk oo haatan qeyb ka ah daadihiyaasha barnaamijak WWE Backstage ayaa lagu dhex weydiiyay barnaamijka gudhiisa hadii uu aqbali doono dalabka Seth Rollins iyo hadii uu talo siin doono.

CM Punk ayaana ku jawaabay inuu u hadli doono qaab xirfadle wariye oo kale isla markaasna uu talo siin doono Seth Rollins wuxuuna yiri asigoo Seth Rollins ka dalbanaayo inuu joojiyo Postiyada uu Twitterka soo dhigaayo isla markaasna uu xaqiiqda jirta garto; “jooji Postida aad twitterka soo dhigeyso oo garo xaqiiqdaada mararka qaarna aamuska badi xitaa hadii aamuskaasi nacas kaa dhigaayo isla markaasna ogoow waqtiga ay tahay inaad aamusto”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here