Hrithik Roshan waa mid ka mid ah aktarada ugu awoodda badan xiligan Bollywoodka waxaana aktar dib usoo ceshtay taageerayaal fara badan ka dib bandhigiisa filimka War kaaso uu kusoo bandhigay xarago iyo ficilo Action heer sare ah

Hrithik oo dhawaan ka qayb galay bandhiga Filmfare Awards waxaa ka hor bandhigas wareysi siiyay saxaafada isagoo ka hadlay warar badan oo xan ah sida inuu muuqaal marti ah ku leeyahay filimka Sooryavanshi ee uu hogaamiyaha ka yahay aktarka Akshay Kumar

Hrithik ayaa beeniyay wararkaas isagoona saxaafada u cadeeyay inuusan wax muuqaal ku lahayn filimka  Rohit Shetty iyadoo hore aan u ogayn in filimkan muuqaal marti ay ku leeyihiin aktarada kala ah Ranveer Singh iyo Ajay Devgan

Ajay iyi Ranveer waxa ay filimkan kaga soo muuqan doonan doorarkooda caan ah ee kala ah Singham iyo Simmba halka filimkan uu Director ka yahay Rohitt Shetty waxaana la daawan doona Eid 2020

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here