Adduun weynaha xiligaan qeyb ayaa wada qosleyso si qaas ah inta daawanoso goos gooska dhameestiran ee laga soo bandhigay Filimka Houseful 4 waana goos goos maanta si weyn loo wada sugaayey inaba caadi ma ahan.

Waxaan daawanay goos gooska bal aan isla ogaano waxa ugu muhiimsan ee uu ku saabsanyahay goos gooskan hoos kaga bogo sharaxaada:

6 lamaane oo nolol qurux badan ku jiraan waxaa kala geenayk cadaawad iyo aargoosi dhacaayo 600 sano ka hor.

600 sano kadib ayay lixdii lamaane noloshooda dib isku arkayaan. Laakiin noloshan casriga ah sedexda wiil (Akshay, Bobby & Retiesh) waxay jeclaanayaan hablihii kuwo aan ahayn waxayna guursan rabaan dumaashiyaashooda!

Laakiin markii la tago qasrigii Sitamgarh 600 sano ka hor lagu noolaa jah wareer ayaa dhacaayo wiil walbana noloshiisii hore ayaa daba taagan, haddaba jaceylkoodii hore miyay guursan doonaan mise dumaashiyaashooda ayay si qaldan u guursan doonaan?

Markale hoos ka daawo goos gooskan hadii aadan horey u daawan:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here