Macalinka kooxda kubadda cagta ee Liverpool kaasoo maanta saxaafada kula hadlaayay shirkiisa jaraa’id ee kahoreeyo cayaarta ay leeyihiin maalinta barito ayaa waxaa laweydiiyay su’aalo la xiriira macalinka kooxda Tottenham laga ceyriyay iyo macalinka cusub ee loo magacaabay.

Klopp oo ugu horeyn laweydiiyay sida uu u arko soo laabashada Jose Mourinho ayaa yiri; “soo dhawoow Jose Mourinhow waana wax quruxbadan inaad halkaan dib ugu soo laabatid, wuxuu ahaa mid ka niyad jabsan (inuusan kooxna maamulin) waana arin aad arki karteen”.

Dhanka kale Klopp ayaa kahadlay ceyrinta Pochettino wuxuuna sheegay iney arinkaas filan waa ku noqotay asigoona yiri; “Markii aan maqlay in Pochettino la ceyriyay waan rumeysan waayay waqtigaas waxaanse u rajeynaa inuu haatan waqtigiisa ku raaxeysto oo uu nasto maalmo isbuucyo xitaa bilo”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here