Sivakarthikeyan wuxuu ka mid yahay xidigaha Tamil ama Kollywood ugu saameynta badan loogana haray dhanka Action-ka, xarakada iyo shactireynta shaashada waxaana usoo baxay 20-kii December 2019 filimka doorka Super Hero-ga uu ku matalaayay ee lagu magacaabo Hero waxaana mashruucan laga helay qaabka fariintiisa loo dhigay.

Haddaba filimka Hero waxaa laadar ka ahaa Abhay Deol oo markii ugu horeesay filim Tamil ah kasoo muuqday sidoo kalena Arjun Sarja isagana door adag ayuu ku lahaa balse mashruucan wuxuu noqday mid guul dareestay oo FLOP ah.

Filimka Hero wuxuu cimri ahaantiisa soo xareeyay ku dhawaad 20 Crore ganacsigiisa dibad iyo dal waxaana lagu qarash gareeyay 30 Crore ayadoo filimkan hamigii laga qabay ku fashilmay madaama ganacsi ahaan guul dareestay xili fariintiisa laga helay.

Filimka Hero caqabado kala duwan ayuu la kulmay madama ay isku dhaceen filimkii Thambi ee Karthi hogaamiye ka ahaa sidoo kalena xiligaas Hindiya oo dhan waxaa heestay filimkii Dabangg 3 sidaa darteed kooxda Hero iska laheyd siyaasadii ay tiyaatarada ku saareen filimkan ayaa ka qaldantay waxayna sababtay mashruucan lacagtiisii inuu soo celin waayay.

Sida guud Sivakarthikeyan sanadkii hore wuxuu la yimid sedex filim labo ka mid ah wey ka guul dareesteen kuwaas oo kala ahaayeen Mr. Local iyo Hero balse filimkiisii kale Namma Veettu Pillai (NVP) ayaa Blockbuster weyn u noqday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here