Muxuu noqon lahaa Filimka Laxmii hadii Tiyaatarka la saari lahaa ma Flop mise filim guuleystay!??

0
658

Shabakada Box Office India ayaa taxliil ku sameysay Filimka Laxmii ee uu hogaamiyaha ka yahay Akshay Kumar sida uu xaalkiisa noqon lahaa hadii tiyaatarka la saari lahaa.

Shabakada oo ka qiyaas qaadaneyso sida uu jawiga ahaa kahor bishii febraayo inta aanan tiyaatarka la xirin ayaa ku qiyaastay in Laxmii uu soo xareyn lahaa 110 crore hadii aanan waqti fasax la saari laheyn, balse hadii xili fasax jiro la saari lahaa wuxuu keeni lahaa 141 crore.

BOI ayaa sheegtay in magaalada Mumbai uu lacagaha ugu badan kasoo xareyn lahaa misna halkaa ka keeni lahaa 57.50 crore waa hadii xili fasax la saari lahaa.

Halkaan hoose ka fiiri sida uu gobolada India lacagaha uga kala keeni lahaa waana qiyaasta BOI;

Mumbai – 57.50 crore

Delhi / UP 24 crore

East Punjab – 9 crore

Rajasthan – 9 crore

CP Berar – 10 crore

CI – 6 crore

Nizam / Andhra – 7 crore

Myspre – 4 crore

Tamil Nadu / Kerala – 1 crore

Bihar – 5 crore

West Bengal – 5 crore

Assam – 1.50 crore

Odisha – 2 crore

TOTAL – 141 crore

Sidoo kale shabakada ayaa sheegtay inuu filimkaan noqon lahaa mid guuleystay oo Semi Hit ah asigoona ka fiicnaan lahaa filimada Gold (Average) iyo Padman (Below Average).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here