Salman Khan had iyo jeer wuxuu la dhacsanaa quruxleyda Katrina Kaif, labadooduna waxay ku sii nagaadeen dhinacba midka kale xitaa ka dib markii ay kala tageen sannado ka hor.

Salman Khan ayaa shaaca ka qaaday inuu waqtiga kaga lumay si uu u soo jeediyo Katrina Kaif oo diiday in nolol la wadaagto Salman.

Salman iyo Katrina ayaa ka dhexeeyay xiriir jaceyl dhowr sano. Wexeena shaa shadaha ka soo muuqdeen Bharat, Tiger Zinda Hai, Ek Tha Tiger iyo kuwa kale oo badan.

Si kastaba ha noqotee, cilaaqaadka udhaxeeya ayaa hoos u udhacey arimo shaqsiyadeed kuwasoo labadoodu siyaabo kala duwan u arkeen, Salman Khan oo marki hore guur diid ahaa ayaa u soo ban dhigtay Katrin in uu guursado, balse wee ka diiday ayadoona ka dalbatay wada noolaasho iska caadi ah taasi oo keentay in xiriirkooda uu bur buro.

 Katrina Kaif ayaa markaa kadib u weecatay Ranbir Kapoor, laakiin xiriirka ka dhexeeyay ayaa sidoo kale gaaray gunta hoose weena ku kala tageen.

 Ranbir Kapoor wuxuu hadda jaceyl kala dhexeeyaa Alia Bhatt, halka Katrina ay meel cidlo ah soo istaagtay. Waxaa soo baxay warar xan ah oo ku saabsan dib u heshiisiin u dhaxeysa Salman iyo Katrina iyadoo taageerayaashu ay aad u danaynayaan inay arkaan Salman iyo Katrina oo lammaane ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here