Atooraha caanka ah Naga Chaitanya waqti wacan ayuu bartanka kaga jiraa madaama filimkii Majili ee uu xaaskiisa Samantha la sameeyay sanadkii hore Blockbuster weyn noqday haatana atoorahan Telugu ama Tollywood laga jecel yahay waxaa u diyaarsan mashruuc jaceyl oo xiiso badan.

Haddaba Naga Chaitanya filimkiisa waxaa atirisho kowaad ka ah gabadha awooda badan ee door walbo jili karto taasi oo dhamaan filimada Koonfur Hindiya kasoo muuqato waa Sai Pallavi waxaana mashrooca si rasmi ah loogu bixiyay Love Story ama Sheeko Jaceyl waxaana lagu xasuustaa labadan wacdarihii ay ka dhigeen filimkii Fidaa ee Blockbuster weyn noqday.

Filimka Lover Story waxaa Director ka ah Sekhar Kammula kaasi oo Naga Chaitanya horey ugu sameeyay filimkiisii kowaad Josh kaasi oo sanadii 2009 la daawaday waxay ka dhigan tahay labadan dib inay u midoobeen 11-sano kadib mashruucooda cusubna bishan April dhamaadkeeda ayaa la daawan lahaa balse tiyaatarada oo xiran awgeed waxaa haatan la sheegay dhamaadka bisha May ama horaanta bisha June la daawan doono marka xaalada caadi kusoo laabato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here