Atiriishada caanka ah Taapsee Pannu waxay dhex dabaalaneysa guusha Filimkeeda Saand Ki Aankh ee Bhumi Pednekar la jishay waxayna xidigtaan wareysi xiiso leh siisay Neha Dhupia oo ku casuumtay barnaamijkeda ay jilayaasha kuwareysato misane Tv-yada laga daawado.

Taapsee ayaa goobta wax badan kaga hadashay sida Kangana Ranaut iyo walaashed Rangoli ayee goobta ku jaftay, waxay ka hadashay shaqadeeda, jilayaasha ugu xun ay la shaqeysay iyo moeduucyo kale oo kala duwan.

Neha ayaa weydiisay Taapsee inee sheegto atiriishada ay u aragto in Fashion-keda qaldan yahay una baahan labis qurxoon inee xirato durba waxay lasoo booday magaca Urvashi Rautela waxay tiri iyadoo hadleysa.

“Aniga ahaan Urvashi Rautela ayaan aaminsanahay inee u baahantahay labis fiican inee xirato sababto ah marwalba waxay inoo xayeysiisaa jirkeeda quruxda badan malaha jirkeeda ayee inoogu faaneysa.”

“Waxay heeysataa jir qurxan waa inee labis qurxan soo xirataa markee dadka hor imaaneyso si quruxdeeda u siyaado hanaga dhaafto labiskaan foosha xun ee cajiryaasha ay baneysaneyso.”

Remember as kids we’d always try to match everything with everything! And then we grew up and realised that’s probably not always a good idea. Here’s an example of that!

Urvashi si aan caadi ahen ayaa loo karbaashay Taapsee caadi ma ahan jilayaal badan ayee hal wareysi ku weerartay sida Kangana iyo walaashed, wiilka Anil Kapoor, Jacqueline iyo Vicky Kaushal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here