Nagarjuna Oo Shaaca Ka Qaaday Inuu Sameen Doono Filmka Brahmastra Ee Big B, Alia Iyo Ranbir Wada Jilayaan!!

Super Star-ka reer Telugu Akkineni Nagarjuna ayaan horey idiin kugu sheegnay in uu wax ka jili doono mashruuca weyn ee Brahmastra kaaso la daawan doono sanadka dambe.

Balse isaga ayaaba shaaca ka qaaday xidigaan warkaan maadama uu marki hore ahaa war xan ah ama laga soo xigtay dad ka akdhow jilagaan.

Jilaagan ayaa wareysi bixiyay laguna weydiyay hadalkaan saxaafada isla dhexmareysa waxuuna yiri,”waa run hadalkaas waxaan sameen doona Brahmastra mudo dheer kadibna Bollywoodka ayaan dib ugu laabtay xaqiiq ahaan maba xasuusto markii iigu dambeysay ee aan film Bollywood kasoo muuqday balse waxaan umalena inuu ahaa Mahesh Bhatt filmkiisa Zakhm.”

Brahmastra waxaa qarash garenaayo Karan Johar waana film taxane ah oo sanad walba qeyb laga sameen doono sido kalena Super Hero ah waxaana wax ka jilayaan Amitabh Bachchan, Ranbir Kapoor, Alia Bhatt iyo Mouni Roy.