Superstar Ajay Devgn ciwaano kala duwan ayuu sameenayaa markaana wuxuu soo bandhigay aragtiyo ama kaartooyin filimkiisa Maidaan u gaar ah ee isaga hogaamiye ka yahay lana daawan doono 27 November 2020 waana mashruuc weyn oo la wada sugaayo.

Ajay Devgn kaartooyinkiisa filimka Maidaan wuxuu ku muujiyay inuu meel iska Superstar-nimadiisa iyo xarakaadkii lagu yaqiinay wuxuuna iska dhigay qof iska caadi ah si uu doorka tababare Sayed Abul Rahim kaga run sheego oo Hindiya guulo dahabi ah gaarsiiyay dhanka kubada cagta.

Ajay wuxuu sheegay in macalin Sayed Abdul Rahim noloshiisa tahay mid xiiso badan sidoo kalena sharaf weyn u tahay inuu shaashada ku matalo saameyntii macalinkan lahaa iyo guulihii dahabiga ah uu Hindiya gaarsiiyay intii u dhaxeesay 1950 ilaa 1963 waa xiligii Hindiya dhanka kubada cagta guulo ka keeneyn tartamada Asian Games iyo Olympic-da aduunka.

Filimka Maidaan waxaa Director ka ah Amit Sharma oo sanadii 2018 sameeyay filimkii Badhaai Ho ee Blockbuster-ka noqday markaana Devgn iyo filim sameeyahan waxaa lagu kalsoon yahay mashruuca ay ku midoobeen ee fariinta waaqiciga ah xambaarsan inay daawadayaasha kusoo jiidan doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here