Bollywood iyo jaceylka dhabta ah kalama haraan madaama nolosha jilaayaasha fanka Hindiya siyaabo badan wax looga qoro kama marno in aad loogu mashquulo jaceylkooda hana qaaday ama hana qaadi waayay.

Hadaba waa wax iska dabiici ah in jilaayaasha Bollywood-ka shaqo wadaagaan qaarkood inay si gaar ah isku fahmaan kadibna meesha xiriir ka dhasho madaama is fahanka jaceylka nolosha bini aadanka qayb ka yahay.

Laakiin waxaan idiin heynaa 10-lamaane oo Bollywood-ka ka tirsan ama xiriir la leh kuwaas oo jaceyl dhex maray laakiin si dhaqsi ah ku kala hareen ama xiriirkooda u bur buray:

Dino Morea iyo Lara Dutta: Dino si lama filaan ah ayuu Lara kusoo jiitay asigoo ka faa’iideestay Lara xili ay kala hareen saaxiibkeedii Kelly Dorjee sidoo kalena Dino isaga Kelly Dorjee saaxiib ayuu la ahaa.

Kelly Dorjee ayaa ku eedeeyay Dino iyo Lara inay fal xun ku kaceen madaama ay qayaano cad u geesteen balse xiriirkooda ma waarin si dhaqsi ah ayay u kala hareen malahaa ishii Kelly Dorjee ayaa kasoo baxday.

Lara haatan waa marwo waxayna caruur u dhashay Mahesh Bhupathi halka Dino weli uusan guursanin noloshana kali ku yahay.

Akshay Kumar iyo Pooja Batra: Bilawgii 90-maadkii Akshay wuxuu ahaa wiil dhac dhac badan oo gacanta ku dhigo atirisho walbo oo uu qalbiga ka xadi karo.

Akshay ayaa barnaamijka Koffee With Karan Season 1 ka sheegay in jaceylkiisii hore Raveena Tandon uu qayaanay kuna dul waday Pooja Batra iyadana waqti kooban la haasaaway kadibna meel cidlo ah kaga tagay.

Rani Mukerji iyo Govinda: Kani waa xiriir aan la fahmi karin madaama Rani oo aad u dhalinyar ragga badana isku heesteen ay si qarsoodi ah xiriir ula sameesatay Govinda oo xaasle ah caruurna u joogaan.

Rani ayaaba isku dhiibtay Govinda mudo gaaban xitaa rabtay inay la noolaato asigoo xaasle ah balse Govinda xaaskiisa Sunita ayaa ugu hanjabtay inay isdili doonto ama nolosha u firaaqeen doonto hadii uusan xiriirka Rani u jarin wuxuuna doortay reerkiisa oo Rani ayuu xiriirka u jaray si dhaqsi ah.

Shahid Kapoor iyo Vidya Balan: si dhaqsi ah Shahid marka ay Kareena Kapoor kala hareen wuxuu ku dhagsaday Vidya Balan si uu madaxa u dajisto intii ay wada duubayeen filimka Kismat Konnection, balse wey kala hareen markii Vidya ay ogaatay in Shahid usoo jeedin kaliya ka ahayd inuu cidlada isaga saaro!

Upen Patel iyo Amrita Arora: Hada ka hor ayay mar is fahmeen Upen Patel iyo Amrita Arora laakiin Amrita wiilkaan wey isaga hartay madaama ay si dhaqsi ah guur kaga dalbatay isagana guur uma soo jeedin.

Amrita hada waa hooyo waxayna u dhaxdaa Shakeel Ladak halka Upen Patel weli haasaawo iska wado wuxuuna xiriir jaceyl oo Tv-yada caan ka noqday la wadaagay Karishma Tanna.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here