Shirkada NASA ee aan lagu gaarin adeegyada dayax gacmeedka qabtaan iyo soo saarista qalabyada Satellite-ka ayaa si rasmi ah u sheegtay in Hollywood Superstar Tom Cruise filim caalami ah ku duubayo xarumaha dayax gacmeed oo ay shirkadan hawada sare ku leedahay.

Mashruucan oo aan magac loo bixinin balse bilaaw tahay shaqadiisa waxaa Tom Cruise ka caawineyso shirkada Space X oo soo saarto dayax gacmeedyada hawada sare u duulaan waxayna NASA Tom iyo kooxdiisa u ogolaatay inay ficilo Action halis badan ah hawada sare ku sameen karaan.

Tom Cruise oo ku caan baxay sameynta ficilada halista ah markaan heer kale oo aan la gaari karin ayuu rabaa inuu gaaro kuna soo sameeyo Action-mo ama ficilo waali ah xarumaha dayax gacmeedka NASA maamusho sida uu xaqiijiyay Jim Bridenstine oo ka mid ah masuuliyaanta NASA ugu sar sareeyaan wuxuuna yiri “NASA waxay ku faraxsan tahay inay la shaqeyso Tom Cruise kaasi oo filimkiisa ku duubayo mid ka mid ah xarumaha dayax gacmeed ee aan hawada sare ku leenahay. Tani waxay noqoneysaa dhiiri galin iyo magac weyn inay ku hoos jirto la shaqeynta aan Tom la shaqeyn doono.”

Marka laga soo tago mashruucan cusub Tom Cruise hawada sare kusoo duubi doono halyeegan waxaa u diyaarsan sedexda filim ee kala ah Top Gun: Maverick iyo Mission Impossible 7 & 8 dhamaantooda dib u dhac ayaa ku imaaday waqtigii la daawan lahaa madaama Coronavirus-ka caalamka ka jiro sababay in tiyaatarada dunida oo idil la xiro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here