Jilaaga weyn ee Naseeruddin Shah ayaanan u riyaaqin in atoorayaasha dhallinyarada ah ay cabsi ku muujiyaan marka ay hortiisa yimaadaan, waxaana uu sheegay inuusan xaaladdaas u arkin inay tahay qaddarin ama inay gaareen darajo weyn.

“Ima farxad geliso marka aan arko atoorayaasha dhallinta yar inay iska dhex yaacaan marka ay ila shaqeynayaan, sababtoo ah aniga arrintaas uma arko weyneyn” ayuu yiri Naseeruddin oo ay Soomaalida u taqaano Jalwa.

Naseeruddin ayaa intaas ku daray inuusan isaga xasuusanin wax isku dhex yaac ama walwal ah oo uu la kulmay markii ugu horreysay ee uu la shaqeeyay jilaayaal isaga uu jeclaa, waxaana uu tusaale usoo qaatay Dilip Kumar, Sean Connery iyo Ashok Kumar.

“Dhabtii waxay ii ahayd farxad weyn inaan iyaga la kulmo, balse ima aysan cabsi gelinin arrintaas, haddii Atoore hadda joogo uu dhib u arko la shaqeynteyda, ma ahan wax fiican” ayuu yiri Jalwa oo ka digaya inay atoorayaasha dhallinyarada ah ee isaga la shaqeynaya inaysan dareemin wax walwal ah.

Halyeygan oo lagu tiriyo jilaayaashii ugu wanaagsanaa ee soo mara taariikhda Bollywood-ka ayaa lagu xasuustaa bandhigyo kala duwan oo ku yeeshay maqaam aad u sarreeya sida Paar, Nishant, Jaane Bhi Do Yaaro, Ijaazat, Manthan, Mirch Masala iyo Mirza Ghalib.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in Naseeruddin Shah uu ka soo muuqan doono musalsalka Bandish Bandits kaasoo Internet-ka laga daawan doono.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here