Sara Ali Khan ayaa waqtigeeda ugi wacan Bollywoodka dhex dabaalaneysa waxayna hader ka saameyn badnaatay Janhavi Kapoor oo ay 2018 Bollywoodka isla soo galeen haderna waa xidigta kowaad ugu hadal heynta badan.

Sara waxaa lagu xantaa atooraha Kartik Aryan oo asna sanadkaan saxaafada mashquuliyay iyo daawadayaasha maadama maalin walba sawir qaadayaasha la fal galaan waana lamaane aad loo hadal hayo xidigahan.

Maanta waxaa la arkay Sara Ali Khan oo shumis u xawileysa qaar kamid ah taageerayaasheeda reer Mumbai kaamiriiste ayaana kasoo qabtay sawiro Sara oo shumis u direysa wiilal dabaq saaran. Muuqaalkan ayaa noqday mid maanta si weyn u gil gila baraha bulshada iyo sawirada sida aad ka arki kartaan Sara oo shumis hawada ugu direyso wiilashaas.

Waxay ahed xili ay katimid xaflad lagu casuumay kadibna gurigeeda ayee usocotay si lama filaan ah gaarigeeda ayadoo kujirta dabaq hoostiisa ayadoo mareysa ayaa magaceeda si sarr loogu dhawaaqay kadibna gaariga intee kasoo dagataya ayee eegtay misa waaba wiilal dhalinyaro ah mid kamid ah ayaa shumis hawada oga soo duriy.

Iyadana intee salaamtay markii hore ayee iyadoo gaarigeeda sii galeysa mid lamid ah shumiskaas udirtay saacan baraha bulshada si weyn ayaa looga hadal haya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here