Waxay u muuqataa in Salman Khan uusan nasiib laheyn maadaama uu iska diiday fursad dahabi aheyd taasoo uu ku noqon karay hogaamiyaha filimka guusha wacan gaaray 2007dii ee Chak De India.

Shahrukh Khan iyo Salman Khan waa labo kamid ah jilayaashii ugu awood badnaa abid fanka India soo maray waliba 20kii sano ugu dambeysay labadooda ayaa awooda Bollywoodka isaga dambeeyay oo midba 10 sano ayuu maamulayay.

Hadaba sanadkii 2007dii xili SRK magaalka u shidnaa ayaa waxaa Salman Khan loosoo bandhigay inuu noqdo hogaamiyaha filimka Chak De India hase yeeshee Sallu wuu iska diiday filimkaas waxaana fursadaas dahabiga ka faa’ideystay Mega Star Shahrukh Khan asigoona filimka guul wacan gaarsiiyay kana dhigay Super Hit sidoo kalana ku qaatay abaal marinta FilmFare qeybta atooraha ugu wanaagsan.

Inkastoo uu Sallu waligiis abaal marinta Filimfare qeybta atooraha ugu wanaagsan ku guuleysan hadana mala dhihi karaa jaanis wanaagsan ayuu iska khasaariyay kaasoo uu biladaas ku qaadan jiray??

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here