Ananya Panday waxay kusoo caan baxday Karan Johar Filimka uu qarash gareeyaha ka yahay ee Student of The Year 2 kaaso 2019 la daawaday waana mashruuc guushii laga filaayey aanan gaarin.

Ananya Filimkaan laguma amaanin doorkeedana sidaas uma xiiso laheyn oo Tara Sutaria ayaa si weyn loo amaanay balse Filimkeeda xiga ee Pati Patni Aur Woh ayaa si weyn loogu amaanay bandhig ahaan waxaana la jileyn Filimkaan Kartik Aryan iyo Bhumi Padnekar.

Hadaba Ananya ayaa hader shaaca ka qaaday maalintii kowaad ee SOTY ay duubeysay nasiib xumada kudhacday xili ay Mumbai Mirror wareysi siineysay waxay tir,”aniga ahaan maalintaas duubisteyda nasiib xumo inee kudhacday ayaan isku heystaa.”

“Tiger maalintiisa kowaad waxuu duubay Dance ama qoobka-cayaar halka Tara ay duubeysay muuqaal quruxan oo quruxdeeda iyo Fashion-keeda lagu tusaayo sifiican ayeena maalmahooda u duubeyn wax nasiib xuma ahna kuma dhicin.”

“Balse maalinkeyga nasiib xumo ayaa igu dhacday oo markii aan duubi rabnay muuqaalka roob ayaa imaaday meeshiina waa laga kala cararay balse Director-ka ayaa bedelay qorshaha oo meel howl ah ayaa ku duubnay muuqaalkaas halka markii hore meel banaan ah ku duubi rabnay anigana banaanka ayaa jeclaa inaan ku duubno laakiin roob ayaa yimid oo qorshihii dhan bur buriyay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here