Waxaa xalay si rasmi ah loo soo bandhigay goos gooskii labaad ee xalqada 34-aad taxanaha Hercai waana goos goos inaba aan caadi ahen waad hilmaami doontaa goos gooskii kowaad hadaba hoos kaga bogo dhacdooyinka goos gooskan:

Waxuu ka bilaawana goos gooska oday Nasuh oo leh,”qofka Maxamed Aslanbey dilay waa aniga” kadib waxaa lagu tusaa Hazar oo murugeysan misane wado socda waxaana daba socda walaalkiis Jihaan Hazar oo hadlaayo waxuu leeyahay Miiraan ayuuna niyada kala hadlaa,”waxba waan u qaban waayey hooyadaa Dilshaah markee garabka iiga baahned haderna adiga xaqiiq walba waad ogaatay iyo in been laguu sheegi jiray waligaa.”

Kadib waxaa lagu tusaa Caziiza oo qof la hadleyso mana lagu tusaayo qofkaas waxayna ku leedahay qofkaas,”Ma doonaayo inuu Miiraan xaqiiqada ogaado kaliya aniga iyo adiga ayaa og xaqiiq walba iyo sidee wax udhaceen marka yuusan ogaanin Miiraan xaqiiqada” arinka layaabka leh ayaase ah in Miiraan warkaas maqlaayo oo meel ayuu ka dhageysanaa warka Caziiza oo sidaa leh isagoo meel ku dhuumanaayo.

Miiraan iyo Reyyan ayaa qasriga Aslanbey imaanayaan Miiran ayaa si waali ah u qeylinaayo waxuuna dhahaa,”waa tuma Caziiza Aslanbey” hadana isla isaga ayaa isku jawaabayo isagoo leh,”waa haweeyneh arxan daran oo qiyaano badan sido kalena been badan taaso aan u qalmin magaca ‘Aslanbey’ inee wadato.”

Caziiza ayaa meesha taagan iyadoo yaaban sido kale Reyyan wey joogtaa Miiraan oo careysan ayaa hadalkiisa siiwato misane leh,”si deg deg ah alaabtaada kusoo qaada qasrigan ma joogeysid gaarigii ku kaxeen lahaa waan kuu diyaariyay” ugu dambeyn Miiran Caziiza ayuu qasriga ka saaray.

Kadib waxaa lagu tusaa Miiran iyo Hazar oo dul joogaan qabriga Dilshaah waxuuna dhahaa Miiraan oo isla hadlaayo,”hooyo waa ikan anigo Miiran kale ah maanta kadib ma ahi Miiran kii hore” waxuuna ula jeeda Miiran kii beenta lagu soo koriyay dhiig dadna u oomana ma ahi maanta kadib ayuu leeyahay oo waan is bedelay.

Ugu dambeyn Miiraan iyo Hazar wey midoobayaan xili Hazar uu leeyahah diyaar miyaa u tahay run walba inaad wajahdo markaan” kadibna Miiraan ayaa gacantiisa u taagayo dhanka Hazar isagoo ula jeedo iidhiib gacanta oo aan midowno dhamaad halkaas ayuu ku dhamaana goos gooska 2-aad ee xalqada 34-aad.

Inaba caadi ma ahan goos gooskan waxaan ka baranay arimo badan in Miiran iyo Hazar si rasmi ah u midooweyn, in Caziiza beenteeda banaanka timid qasrigana laga eryay iyo in Nasuh uu dilaa noqday wajigiisa dhabta ahna banaanka la keenay.

Waxaan sugnaaba waa xalqada oo dhameestiran misane la daawan doonk jimcaha habeen sabti soo galaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here