Home » . » Nawaz Oo Diiday Inuu Timaha U Gaabsado Filimka Vishal Bharadwaj Iska Leeyahay!

Nawaz Oo Diiday Inuu Timaha U Gaabsado Filimka Vishal Bharadwaj Iska Leeyahay!

Jilaaga door walbo sameyn karo ee sida weyn usoo shaac baxay Nawazuddin Siddiqui wuxuu awood u yeeshtay inuu diido filim sameeye Vishal Bharadwaj filimkiisa xiga.

Filim sameeye Vishal Bharadwa sida caadada ah waxaa looga bartay inuu hogaamiyaashiisa door adag u dhiibo asigoo caan ku ah inuu timaha ka xiiro ama gaabiyaan.

Wuxuuna hori doorar taariikh ah u dhiibay Saif Ali Khan filimka Omkara oo lagu tilmaamo doorkiisa ugu wanaagsan waayihiisa fanka sidoo kale Shahid Kapoor wuxuu u dhiibtay filimka Haider oo abaal marino kala duwan ku qaatay.

Haddaba maanta waxaa la shaaciyay in Nawazuddin uu iska diidaya filimka Vishal u sameyn lahaa oo magac ahaan wato Padeeu.

Sidaa daraadeed waxaa lasoo ogaaday sababta Nawazuddin Siddiqui uu u diiday filim sameeye Vishal Bharadwaj filimkiisa xiga sababta ayaan ah in Nawaz uu diiday inuu timaha u gaabsado filimkaan uu iska leeyahay Vishal.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *