Nawazuddin Siddiqui haatan wuxuu ka mid yahay atoorayaasha Bollywood-ka ugu mashquulka badan asigoo door kasto sameyn karo sidoo kalena ah jilaa Bollywood-ka oo dhan ka dhaxeeyo.

Hadaba Nawazuddin Siddiqui buugiisa noloshiisa ka hadlaayo ‘An Ordinary Life’ ayuu arimo badan daaha kaga qaaday waxaana ka mid ah in gabadhiisa Shora ay aad u necbanaan jirtay Mega Star Salman Khan.

Nawaz ayaa buugiisa ku qoray in sanadii 2012 filimka uu magaca ku yeeshay Gangs Of Wasseypur tiyaatarada la saaray qof walbana uu doorkiisa ka helay.

Sidoo kalena kaartada filimka Gangs Of Wasseypur sawiro Nawaz u badan ayaa wadooyinka iyo darbiyada tiyaatarada Hindiya badankooda lagu dhajiyay waxaana aad arinkaan ugu faraxday Nawaz gabadhiisa Shora oo ku faani jirtay in aabaheed shaqsi caan ah noqday.

Laakiin mudo gaaban kadib Nawaz sawiradiisii ama kaartada filimka Gangs Of Wasseypur meel walbo waa laga fujiyay waxaana lagu badalay kaartada filimka Ek Tha Tiger ee Salman Khan hogaamiye ka ahaa.

Nawaz gabadhisa Shora waxay aragtay sawiradii aabaheed oo meel laga fujiyay laguna badalay Salman Khan iyo sawiradiisa Ek Tha Tiger.

Shora halkaas ayay naceyb kaga qaaday Salman oo ay bilaawday meeshii ay ku aragto sawiradiisa inay jeex jeexdo sidoo kalena hadii Tv-ga guriga Salman kasoo muuqdo ay reerka ka damiso!

Nawaz ayaa xusay in gabadhiisa Shora xitaa jecleesanin markuu Salman Khan la sameenayay filimka Kick oo sanadii 2014 la daawaday kana diiday inay Salman la kulanto.

Laakiin Shora waxay Salman la saaxiibtay intii duubista filimka Bajrangi Bhaijaan socotay oo sidoo kale aabaheed Nawaz door muhiim ah ku lahaa.

Shora ayaa Salman u sheegtay inay necbanaan jirtay madaama uu abaaheed sawiradiisa meel walbo ku dhagnaan jiray sanadii 2012 isaga kala wareegay.

Salman meesha ayuu Shora ku raali galiyay sidoo kalena saaxiibo ayay noqdeen halka Nawaz uu gabadhiisa fahan siiyay in Salman isaga caddow ku ahayn hadii uu caddow ku yahayna uusan la sameyn laheyn filimada Bajrangi Bhaijaan iyo Kick.

Nawazuddin Siddiqui wuxuu sheegay in hada gabadhiisa Shora atooraha ay ugu jeceshahay Salman Khan yahay wuxuuna yiri “Cunug kasto oo Hindiya ku nool marka aad weydiisid atooraha uu ugu jecel yahay waa hubaal inuu Salman Khan ku dhahaayo haatana gabadheyga Shora Salman ayay aad u jeceshahay, naceybkii shalay maanta jaceyl ayuu isku badalay!”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here