Hees cusub oo lagu magacaabo The Bhoot Song ayaa filimka Housefull 4 laga soo bandhigay waxaana saameynta iyo hadal heynta heeskan qaatay atooraha aan la buun buunin balse door walbo sameyn karo cid kale ma ahan waa Nawazuddin Siddiqui.

Nawazuddin Siddiqui ayaa filimka Housefull 4 ku leh door muhiim ah oo uu ku matalaayo nin sixiroole ah oo wax walbo sheegi karo marka ay Akshay Kumar, Bobby Deol, Retiesh Deshmukh, Kriti Sanon, Kriti Sanon iyo Pooja Hedge u tagaan si uu garab u siiyo ayuu ka yaabsanaa caadina ma ahan qaabka heeskan loo diyaariyay.

Heeska The Bhoot Song waxaa ku luqeenayo fanaanka caanka ah Mika Singh bal nala daawada bandhiga Nawazuddin Siddiqui iyo sida uu hadal heynta filimka Housefull 4 ula wareegay xidigan waxaana filimkan la daawan doonaa 25 October ama feestada Diwali oo haatan naga xigtay mudo 9-maalmood oo kaliya:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here