Nawazuddin Siddiqui atooraha door kasto sameyn karo sidoo kalena biladaha caalamiga ah ku guuleestay haatana waqt qurux badan ku jiro noloshiisa culees uusan xamili karin ayaa soo wajahday kadib markii xaaskiisa Aaliya Siddiqui furiin ka dalbatay waana arin siweyn gudaha Hindiya looga hadal haayo.

Nawaz xaaskiisa Aaliya Siddiqui ayaa qoraal rasmi ah u gudbisay maxkamada waxayna dalbatay in ugu dambeyntii seygeeda laga furo madaama aysan xamili karin xaalada adag oo ay ku jirto ayadoo marwadan qoraalkeeda ku xustay in 10-ka sano ugu dambeesay nolol adag ku jirtay sidoo kalena seygeeda ay kala kulantay dhibaato jirdil iyo mid maskaxeed lana joogo xiligii ay nafisi laheyd madaama dhibaatada ka badatay.

Nawaz ayaan maxkamada la xariirin welina u jawaab celinin balse wuxuu sheegay inuu naxdin weyn ka qaaday si lama filaan in xaaskiisa Aaliya Siddiqui furiin ka dalbatay xili caruurtooda gaar ahaan wiilkooda Yaani iyo gabadhooda Shora garaad leeyihiin ceebna ku tahay in ubadkooda oo u baahan nolosha isku firaaqeeyaan.

Nawazuddin Siddiqui dhawaan waxaa loo ogolaaday inuu u socdaali karo tuulada uu kasoo jeedo ee gobolka UP ka tirsan wuxuuna gaari kaga baxay magaalada Mumbai markii uu halkaas gaareyna waxaa la galiyay karantiil 14-cisho ah. Sidaa darteed marka uu Mumbai kusoo laabto ayuu ka jawaab celin doonaa dacwada xaaskiisa kusoo oogtay iyo furiinka ay ka dalbatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here