Naxariis badanaa Hande Ercel oo quluubta dadka la wareegtay wadadii Mesut Ozilna raacday kadib markii falkaan cajiibka sameysay.

0
4217

Atariishada Turkiga Hande Ercel ayaa fal aad u wacan sameysay kadib markii Hadiyadaha asxaabteeda u keeni lahaayeen xaflada dhalashadeeda u hibeysay dumarka cudurka kansarka qabo.

Hande Ercel ayay dhalashadeeda ku beegantahay 24ta bishaan waxaana lagu wadaa in loo dhigo xaflad heer sareyso taasoo ay kasoo qeyb gali doonaan jilayaal caan ah iyo marti sharaf kalaba.

Balse Hande ayaa u sheegtay dadka kasoo qeyb galaayo xaflada ineysan wax Hadiyad ah u keenin balse taas badalkeeda lacagta Hadiyada ay ku wareejiyaan hey’ad Kheyri ah oo magaceeda wadato taasoo caawisa dumarka Kansarka qabo si dadkaas loo caawiyo.

Arinkaan ayayna dad badan soo dhaweeyeen in qof dhalashadiisa hadiyadii loo keenay uu tabarucaad camal u dhiibo.

Horay waxaa sidaan oo kale u sameeyay Laacibka kubadda cagta ee Mesut Ozil iyo xaaskiisa Amine Gulse kadib markii xaflada arooskooda hadiyadihii la keenay caruurta baahan ugu tabaruceen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here