Rhea Chakraborty oo ay xireen xafiiska la dagaalanka mukhaadaraadka ee loo soo gaabiyo (NCB) maalintii talaadada una dirtay 14 maalmood oo xabsi garsoor ah ayaa codsatay dammaanad damiin cusub. Dhageysi isku mid ah ayaa socda xilligan.

Codsigeedii dammaanad ee hore ayaa waxaa diidey maxkamada darajada talaadadi. Rhea Chakraborty waxay u sheegaysaa maxkamada inay ku qasbeen NCB inay samayso ‘qirashooyin ciqaabteeda leh’ Codsigeeda cusub, Rhea waxay ku andacootay in aysan wax dambi ah galin oo ay ku qasbeyn NCB in ay sameyso qirashada dambiga.lagu eedeeyay ah.

Qirashada waxaa soo gudbiyay qareenkeeda Satish Maneshinde oo sheegtay in macaamiilkiisa si been abuur ah loogu soo oogay kiiska. Maxkamaddu waxay isku mar dhegeysaneysaa qirashada dammaanadda ee walaalka Rhea Showik Chakraborty oo la xiray Sebtember 4 iyada oo lagu eedeeyay ku lug lahaanshaha kiiska. Subaxii kadib markii la xiray walaalkeyd, Rhea Chakraborty waxaa loo diray xabsiga Haweenka ee Byculla. Waxaa lagu hayey isla xabsiga ee kuxerantahy haweeneyda lagu magacaabo Indrani Mukerjea oo loo maxkamadeynayo kiiska dilka gabadheeda Sheena Bora.

Kahor intaan la xirin, NCB ayaa su’aalo weydiineesay seddex maalmood. NCB waxay maxkamada u sheegtay in Rhea Chakraborty ay la kulantay dhamaan eedeysanayaasha kale oo uu kujiro walaalkeed Showik intii ay kujirtay su’aalo weydiinta iyada oo xaqiiqooyinka hadaladaasna la xaqiijiyay.

Sheekada Filimada ayaa inoo daaran iyadoo xaqiiq ah kiiska halkuu kudambeeyo waan arki doonaa walow haatan Intermisionka ladhaafay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here