Sara Ali Khan oo ay dhaleen xidigaha caanka ah Saif Ali Khan iyo Amrita Singh ayaa Bollywoodka soo gashay Sanadkoi hoee 2018 waxayna kusoo caan baxday Filimkii Kedarnath ee Sushant Singh Rajput isla jileen kadibna Simmba ayaa u xigay.

Xidigtaan hader jawiga Bollywoodka wey la qabsatay balse marwalba waxaa lagu Troll-gareyaa baraha bulshada waxaana lagu qabsaday ficilo ay ku dhaqaaqday xiliyo kala duwan tan iyo sanadkii hore.

Shumiskii Sushant Singh:

Filimka Kedarnarth waxaa kujira muuqaal hadal heyn dhaliyay kaaso ay isku so dhowaanayaan Sara iyo Sushant waliba shumiska bishimaha ayee wadaagayaan waana muuqaal dareen xad dhaaf ah leh maadama Sara gabar muslimad tahay qoys muslim ahna kasoo jeedo muuqaalkaas waa lagu dhaliilay.

Dhag jalaq uma aysan siinin danteena ayee ka wadatay maxaa xigay hade?

Buumo, dhargaaban, jeemis jeex jeexan ayee magaalada ku wareegta:

Xidigtaan labiska dooqeeda ah ayee magaalka ku timaada inta badan sida dhargaaban sida buumo iyo garan waana dhar yar oo qabow ah mararka qaar sida maanta oo kale jeemis Jeex-jeexan oo rif rifan ayaa lagu arkay iyadoo xiran waana oagu Troll-gareeyay isla fiidkan.

Iyada iyo Janhvi Kapoor waxay dabeecad ka dhigteen inee dhar qaawani ah ama jirkooda inta badanla arkaayo ay magaalka ku imaadaan Janhvi lala ma yaabayo waa gabar hindu ah oo aan muslim ahen balse Sara waa gabar muslimad ah diinta islaamkana sheegata inee waxaas sameyso dad badan ayaa kahor imaadeen.

Xuska Sanamka Ganesh Oo ay ka qeyb gashay:

Horaantii sanadkaan Sara waxaa lagu arkay iyadoo ka qeyb galeysa dabaal dag iyo xus loo qabtay mid kamid ah asnaamta ay caabuudaan hinduuga ee lagu magaaco Ganesh Sara oo dharka hinduuga xiran kana qeyb galeysa xuskaan ayaa la arkay.

Waa mida ugu daran inta sare ku xusan waana mida ilaa hada lagu qabsado Sara Ali Khan sababta iyadoo muslim sheegata ay kaga qeyb galeyso shirkiga asnaamta iyo xuska ay u sameysteen dad hinduu ah sanam ay u heestaan inuu Illaah gooda yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here