Kareena Kapoor Khan waxey bishii Mar ee sanadkaan wacdaro ka dhigtey xaflada Zee Cine Awards. Kareena ayaa bandhigeeda ciyaaraha aad lowada sugaye uurkeda ka gadaal. Waxa kamid ah aayadeda/eedadeeda Neetu Kapoor dadka ku rayaaqey ciyaarta ey soo bandhigtey Kareena.

Neetu oo ah hooyada Ranbir Kapoor ayaa sheegtey iney aad ugu farax santahay bandhiga Kareena kadib umusha ey kasoo baxdey quruxleydan.

Neetu aya goobta lA imaatey seygeeda Rishi Kapoor oo loo magacaabey labo abaal marin. Marki la weydiiye bandhiga Kareena Neetu ayaa sheegtey ” Aad ayan ugu farax sanahay. Waxey masraxa fuushey mudo gaaban kadib. Waa xidigteena”. Waxuu aha bandhigi ugu horeeye ee Kareena kadib dhalmada canugeeda ugu horeeye Taimur dabayaaqadi sanadii laso dhaafey.

kadib umusheeda quruxleydan aya dhashay wiil qurux badan waxeyna u bixisey Taimur, sidoo kalena bandhigii Zee Cine Awards wacdaro xoogan ayay ka dhigtay ayadoo goobta ka qaaday heesaha caanka ah oo gaar ahaan filimada ay 4-ta Khans la sameesay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here