Atirishada caanka Neha Dhupia waxay ka mid tahay jilaayaasha Bollywood-ka ee dhanka buraha bulshada ugu saameyn badan sidoo kalena waxay ku caan baxday qabashada barnaamijyo dhalinta Hindiya iyo jilaayaasha caanka ah lagu wareesto oo ay kaga hadlaan arimo xasaasi ah balse Neha dhawaan muran aan caadi ahayn ayay dhexda ka gashay mana u eko mid dhamaad leh.

Neha Dhupia ayaa barnaamijkeeda xiisaha badan Roadies ku wareesaneesay wiil dhalinyaro ah dhawaan wuxuuna ninkan daaha kaga qaaday barnaamijka inuu dhar baaxay gababar jaceylkiisa ahayd kadib markii uu ogaaday inay qayaantay oo ay ku dul shukaasaneesay 5-wiil oo kale sidaasna uu kaga xanaaqay kadibna u gacan qaaday.

Neha Dhupia waa hooyo u joogto gabbar labo jir ah waxayna arinkan kaga jawaabtay si adag waxayna ninkii ku dhahday “I dhageyso gabadha waxa ay sameesay waa dooqeeda inay shan nin shukaansato, waxaa macquul ah dhibaatada dhankaaga inay ka timid, ma jirto qof xaq u leh qof kale inuu dharbaaxo ama u gacan qaado markaas ayaad i leedahay saaxiibteey ayaan dharbaaxay ma ahan wax la aqbali karo!”

Haddaba Neha Dhupia baraha bulshada si aan kala joogsi laheyn ayaa loogu weeraray waxayna Hindida badankooda ku heestaan inay la safatay gabadhii wiilka qayaantay oo 5 nin kale ku dul shukaansatay inay wax qalad ah dusha ka saarin oo ay arinkaas ku tilmaantay gabadha dooqeeda midaas tahay oo aysan wax dhib ah laheyn in qof bini aadam ah qalbigiisa lagu cayaaro.

Ugu dambeyntii Neha arinkan wey kasoo jawaab celisay waxayna sheegtay in siweyn loogu xad gudbay oo xitaa la gaaray heer aabaheed Whats Up-kiisa xitaa fariimo badan aflagaado ah soo gaareen iyadana dhibaato joogto ah lagu haayo waxayna tiri “Barnaamijka Roadies 5-sano ugu dambeesay ayaan qabanaayay aniga si qaldan ayaa la ii fahmay dooqa doorashada qofka wehel laga dhiganaayo gabdhaha iyo wiilasha wey ka siman yihiin balse aniga ma taageerin qiyaano in qof lagu sameeyo ee waxaan ka hadlay dooqa qofka uu lahaan karo, balse ogaada gacan ka hadalka waa midka ugu daran midda kalena wiil iyo gabbar isku awood ma ahan waana xad gudub weyn haddii wiil gabbar u gacan qaado qalad kasto oo meesha yaalo midaas ayaan fikir ahaan aaminsanahay, sidoo kalena gabbar walbo oo tacadi loo geestay ha hadasho waan garab istaagi doonaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here