Indian Idol 11 wuxuu ka mid yahay barnaamijyada ugu caansan ee TV-yada laga daawado waana barnaamij tartamayaasha xirfadooda dhanka heesaha, Dance-ga iyo jiliinka kusoo bandhigaan sidoo kalena mada daalo dhameestiran leh waxaana laga daawadaa TV-ga caanka ah Sony.

Madaama barnaamijka Indian Idol 11 sare u kac xoogan sameenayo dhanka daawashada iyo hadal heynta waxaa la ogaaday gudiga sanadkan dhex dhexaadinayaan tartankan Neha Kakkar, Vishal Dalani & Anu Malik lacagaha ay halkii xalqo ku qaataan.

Neha Kakkar oo xiligaan ka mid ah heesayaasha Bollywood-ka ugu saameynta badan halkii xalqo oo ay kasoo muuqato Indian Idol 11 waxay ku qaadataa 5 Lakh ($6,993) halka muusigiistaha iyo heesaaga caanka ah Vishal Dadlani isagana 4.5 Lakh ($6.294) halkii xalqo uu kasoo muuqdo ku qaato.

Ruug cadaa Anu Malik oo dhanka muusigada looga haray mudo dheerna fanka Hindiya kusoo jiray sidoo kalena ah heesaa wuxuu halkii xalqo uu kasoo muuqdo barnaamijka Indian Idol 11 ku qaataa 4 Lakh ($5,595).

Anu Malik ayaa dhawaan dib ugu soo laabtay barnaamijkan kadib markii si ku meel gaar ah looga hakiyay xili lagu eedeeyay inuu tacadi ama xad gudub dumar u geestay laakiin kiiska lagu soo oogay wax caddeyn ah waa loo wayay shaqadiisa ayuuna dib ugu soo laabtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here