Neslihan Atagul maxay ka tiri in doorkeeda taxanaha gabadhii safiirka lagu badalay Tuba Buyukustun?!!

0
1154

Atariishada Neslihan Atagul ayaa markii ugu horeysay meel fagaare ah lagu arkay tan iyo markii atariishadaan isaga baxday taxanihii ay hogaamineysay ee Gabadhii Safiirka (Sefirin Kizi).

Neslihan iyo ninkeeda oo Super Market kasoo baxay ayay si lama filaan ah ula kulmeen koox saxaafad ah kuwaasoona su’aalo weydiiyay waxaana ugu muhiimsanaa caafimaadkeeda iyo sida ay u aragto doorkeedii in Tuba la wareegtay.

Nesley ayaa tiri; “Sidaad aragtaanba aniga caafimaad ahaan waan wacanahay balse socodka badan waan ku daalaa waxbadan ma socon karo, nolosha ayaana sidaas iska ah, sida kalase wax walba waa hagaag”.

Markii wax laga weydiiyay sida ay u aragto in doorkeedii taxanaha gabadhii safiirka lagu badalay Tuba Neslihan ayaa tiri; “Waxaan u rajeyanayaa ayada kheyr badan wax intaas dhaafsiisan kama dhihi karo”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here