Neslihan Atagul oo ka hadashay arinta dooda dhalisay ee Fahriye iyo sida uu miisaankeeda u kordhay.

0
1671

Atariishada caanka ah ee Neslihan atagul ayaa ka jawaabtay su’aal la xiriirtay sida uu u kordhay miisaanka Fahriye Evcen mudadii ay umusha kula jirtay wiilkeeda Karan xili saxaafada aad u hadal heysay arinkaan baryahaan.

Neslihan ayaa saxaafada ugu jawaabtay su’aal la xiriirtay miisaanka Fahriya ayaa tiri; “ Noloshu waa sidaas waana wax iska dabiici ah (oo hooyo kasta la kulanto markey dhasho) marka muhiim ma ahan in lasii wadwado ama aad cadaadis ku saartaan”

Dhanka kale Fahriye qudheeda ayaa ka jawaabtay hadal heynta saxaafada oo baryahaan miisaankeeda shaqo ka dhigteen waxayna bogeeda kusoo qortay; “hooyo kasta wey qurux badantahay” ayadoo kala jeedo in hooyo kasta ay xaaladaan oo kale la kulanto.

Fahriye ayaa waxaa miisaankeeda ku kordhay 26kg waana mid aad u badan taasoona ah sababta ay saxaafada u buun buuniyeen maadaama miisaankeeda saa’id noqday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here