Neslihan waa gacan gashay ee Kadirdogulo adiga ayay kuu taalaa xili taxanaha Sifirin Kizi sawir Romance laga soo bandhigay.

0
2200

Taxanaha Sifirin Kizi (Gabdhii Safiirka) waa taxane siweyn loo sugayo waxaana lagu mideeyay taxanahaan markii ugu horeysay Engen Akyurek iyo Neslihan Atagul ayadoona lagu wado in taxanahaan duubis lagu bilaabo 25ta bisha Oktobar ee sanadkaan.

Hadaba taxanahaan ayaa waxaa laga soo bandhigay sawir soo jiidasho leh misna Romance ah waxaadna moodaa Neslihan iyo Engen in la isugu talo galay sida ay sawirka ugu qurux badanyihiin owgeed.

Dhanka kale Neslihan ninka qabo ee Kadir Dogulo waxaan wada ognahay inuu yahay nin maser badan horayna isugu dhaceen saaxiibkiis Burak Ozcivit kadib muuqaaladii dareenka lahaa ee Burak iyo Neslihan kusoo bandhigeen taxanaha Kara Sevda.

Haatan lama yaqaano sida uu ka yeeli doono arinkaan waxayna uba muuqataa in jugtii ugu horeysaba ku dhacday kadib markii sawirkaan soo jiidashada leh laga soo bandhigay Egen iyo Neslihan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here