Nicki Minaj oo guursatay dambiile dil iyo kufsi ku eedeysan.

0
5196

Fanaanada mareykanka u dhalatay ee Nicki Minaj ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqday iney guursatay jaceylkeeda ninka lagu magacaabo Keneth Petty.

Keneth Petty ayaa ku eedeysan fal dambiyeed isugu jiro dil iyo kufsi asigoona horay xabsiga usoo maray wuxuuna xirnaa mudadii u dhaxeysay 2006dii ilaa 2013dii.

Keneth Petty ayaa lagu eedeeyay inuu kufsi geystay balse waxaa lagu xukumay 10 sano oo xarig ah kadib markii dil kama’ ah lagu eedeeyay asigoona 7 sano kamid ah xabsiga ku qaatay.

Blasé Nicki Minaj ayaysan waxaas waxba ka galin waxayna sheegtay in iyo iyo Keneth is guursadeen sidoo kalana heleen warqadihii ogolaanshaha.

Jamaahiirta Nicki ayaa horay ugu eedeeyay fanaanadaan iney la socoto nin kufsi iyo dil ku eedeysan balse haatan ayayba uga dartay oo ay guursatay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here