Sangeeth Kumar waa nin degen koonfur India sido kalena 32 jir ah waxuu dhashtay sida uu sheegay 1988 balse waxuu mudo 2-sano kahor aad ugu dooday inuu yahay wiil ay dhashay atiriishada caanka ah Aishwarya Rai arinkaas ayaana Bollywoodka aad ola yaabeen si weyna Internet-ka loogu wad waday 2-sano u dambeysay.

Waxaan jecelnahay inaan maqaal kasoo qornah arinkaa ninka waxuu dhahay,”Aishwarya waa hooyadey 1988 ayee London igu dhashay waliba nidaamka IVF ayaan kudhashtay mudo 2 sano ah Aish waalidked ayaan la noolaa balse 2 sano kadib wey i tuureen oo meelaha caruurta agoonta la geeyo ayaan kusoo koray.”

“Aniga hanti iyo lacag midna ma rabo kaliya waxaan u baahanahaya hooyadey waayo mudo sanado badan ayaan kala maqanahay fadlan haliila xiriirsiiyo” Tv-yo badan ayuu wareysi siiyay ninkaan isagoo dooddiisa ku adkeysanaayey.

Dhaqaatiir cudurada maskaxda qaabilsan ayaa dhaheen ninkaan caafimaad ahaan taam ma ahan oo maskaxda ayaa laga hayaa waana sababta uu u leeyahay shaqsiyaadka caanka ah ayaa waalid ii ah.

Reer Bachchan arinkaan wali kama aysan hadlin balse dadka badankooda waxay isku raaceen in sheekada wax kama jiraan tahay waayo xiliguu dhalanaayey Aish 15-jir ayee ahed nidaamkas caruurta lagu dhalana ma aysan ku fikiri karin xitaa.

IVF(In Vitro Fertilisation) waxaa la dhahaa waa nidaam la isku bacramiyo shahwad Ragga iyo ukxanta ama ukunta dumarka kadibna maalmo ayee meel yaalayaan oo isku filtaroobayaan mudo kadibja waxaa lagu beerayaa ilmo galeenka hooyada sidaas ayeena uur ku qaadee hooyadii iyadoon nin la kulmin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here