Nin degan gobolka Michigan ee dlaka Mareykanka ayaa wuxuu ka yaabsaday boliiska ka dib markii uu kasoo baxay ballan markii hore lala yaabay oo uu isagu qaaday.

21 sanno jirkaan Michael Zydel ayaa waxaa si aan caadi aheyn u raadinayey boliiska. Laakiin wuxuu ka ballan qaaday inuu isagoo socda saldhigga ugu imaan doono haddii ay ugu yaraan 1,000 shares (Kun share) u helaan warbixintii ay soo dhigeen Facebook-ka ee ay isaga ku raadinayeen.

Wixii intaas ka dambeeyey Post-gii ay boliisku soo dhigeen bartooda rasmiga ah ee Facebook ayaa shaqsiyaad badan soo jiidatay, kuwaasoo asxaabtooda la wadaagay. Waxayna boliisku heleen in ka badan 4,500 shares.

Michael Zydel ayaana ballankii uu qaaday kasoo baxay, isagoo lugihiisa ku yimid saldhigga Redford Township.

Inkastoo uu isi soo dhiibay, Michael Zydel ayaa la jeebeeyey, waxaana lagu xukumay xabsi 39 cisho ah, iyadoo laga yaabo in 30 cisho oo dheeraad ah loogu sii daro haddii uusan bixin lacago ganaax ah oo la duldhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here