Taapsee Pannu waxay kamid tahay atiriishooyinka Bollywoodka aan hadalka la gambanin marnaba sido kalena afkooda isku difaacaan waxay kaloo atiriishadan ku ammaanantahay xiisad walba oo iirta si kulul ayee oga hadashaa.

Waxay kamid tahay shaqsiyaadkii sida kulul oga hadleen weerarkii loo geystay ardaydii muslimiinta ahaayen jaamacad Delhi kutaali dhiganayeen waxaa dhacday in nin baraha bulshada uu weerar kaga soo qaaday waxuuna yiri.

“Taapsee shaki ayaa iiga jira inaa tahay Indian dhab ah ee ma tahay Indian dhab ah runta iisheeg” waxuuna ninkaan ka xunyahay sida Taapsee u garab istaagtay muslimiinta maadama uu isaga Hindu yahay.

Waxay tiri iyadoo u jawaabeysa ninkaan,”warqadaheyga dhalasho miyaan kutusaa…qasab miyaase horta inaan kutuso taaso cadeyneysa inaa Indian dhab ahay.”

Sida guud Hinduga aan muslinka ahen waxay naceeb u muujiyaan hinduga muslimiinta ah waana kuwa xagjir ah sido kalena wadanka India inee iyaga kaliya udhashteen ayee isku heystaan oo muslimiinta hindiga ah aysan ahen gabi ahaanba Indian dhab ah waana sababta Taapsee, Deepika iyo kuwa kale loo lahaa Indian ma tihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here