Atiriishooyinkii Bollywoodka mudooyinkan dambe dhib ayee kala kulmaan Ragga taageere inee u yihiin isku sheegaan wadadii ayee ku ciriiriyeen mid walbana dhibkeeda wey isaga sabirtaa si ay aysan muran dhexda oga galin waana arin joogto ah oo jiil walba atiriishooyinka heysato.

Waxaan halkaan idiin kula wadaageen liiska atiriishooyinka Bollywoodka xiliyo kala duwan lagu xad gudbay kuna xad gudbeen niman inee taageero u yihiin isku sheegen waliba goobo fagaaro ah hoos kaga bogo:

Jacqueline Fernandez: waxay joogtay Airport-ga markaas ayeena soo caga dhigatay waa xili habeen ah taageerayaal badana ayaana kusoo yaaceen balse nin Mobile wato ayaa isdhahay ka dhez faaideyso cariiriga waxuuna iska dhigay nin lasoo kala tuuray isagoo ku dul dhacay Jacqueline Fernandez oo socoto ujeedkiisa waxuu ahaa jirkeeda inuu taabto waliba qeybaha sare.

Jhanvi Kapoor: maalin cad iyadoo dhar gaaban xiran sigaar ah sulwaal gaaban ama buumo caruur badan ayaa kusoo yaaceen wiil dhalinyaro ah ayaa caruurti iskuso dhex qariyay misane garabka ka taabtay Jhanvi si dareen kudheehan halmar ayee naxday gabadhii dibna u eegtay mise waaba nin caruurtii kudhex jira si deg deg ayee gaarigeeda ku gashay.

Sushmita Sen: wiil 15 jir ah ayaa ka faaideyso isdhahay meel dad badan buuxeen misane ay dhex socotay atiriishadan si lama filaan ayee ku dareentay nin gadaal ka taabanaya weyna qabatay inkastoo ay iska cafisay markii dambe.

Sara Ali Khan: wiil ayaa ka codsaday inuu sawir Selfie ah la galo weyna ka aqbashay xili ay suuq laga adeegto joogtay balse wiilkii sida gacalisadiisa oo kale dhexda ayuuba ka qabsaday Sara xili atiriishadan ay la argagaxday falka uu kukacay wiilkan si deg deg ayeena gaarigeeda ku gashay sawirkii Selfie-ga ahaa ma uusan helin isagana.

Vidya Balan: Airport ayee joogtay nin ayaa si kutalo gal ah ugu dul dhacay isagoo Mobile wato xitaa Vidya wey dhici gaartay waxuuna ka qabsaday dhabarkeeda qof soo turun turooday ama kufay ayuu iska dhigay.

Ameesha Patel: si lamid ah sidii Sara kudhacday ookale nin taageero u ah oo Ameesha Selfie ka dalbaday ayaa dhexda ka qabsaday si uu sawir sidaas kula galo balse wey ka diiday iga fogow sidaasna sawirka igula gal ayee dhahday ugu dambeyna iyagoo kala fog ayee sawirkii galeen xili habeen ah oi ay Ameesha magaalka dhex mushaaxeysay.

Dhamaad..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here